Sanadkan dhamaaday ee 2019 waxa uu ii ahaa sanad aad u xiiso badan, howlo badan oo haybado badan. Waxa uu ahaa sanad aan talaabooyin wax ku ool ah u qaaday xaqiijinta himaladayda dhow ee ah in aan noqdo dhakhtar naftiisa iyo bulshadiisaba anfaca islamarkaan ku qalabaysan xirfadaha lagama maarmaanka u ah bad baadinta nafta aadamaha. sanadkii ii dhamaaday waxa uu ahaa Ibo fur xifadeed iyo indho fur nololeed. Waxa aan la kulmay inka badan 200 oo bukaan oo xanuuno iyo xaalado kale duwan hospitalka loo soo dhigay. Farxad badanaa marka aad sii maca salaamayso bukaan isaga oo aan miyirkiisu joogin goobtan la soo dhigay oo sii baxaya isaga oo faraxsan oo qoslaya. Murugo badanaq bukaano aad si fiican isku dhex gasheen oo aad ka war heshay hoyashadooda. sideedaba Nolosha ayaan ahayn xariiiq siman. Dhanka kale Sanadkani dhamaaday waxa aad u yara wakhtiga aan ku qaato baraha bulshada, sidaa daraad waxaan u darsadey asxaab badan oo aan bartan kaftan wadaag ku ahayn. Sidoo kale waxa aad iigu yar...