Skip to main content

Curasha sanadka 2020 Gc


Sanadkan dhamaaday ee 2019 waxa uu ii ahaa sanad aad u xiiso badan, howlo badan oo haybado badan. Waxa uu ahaa sanad aan talaabooyin wax ku ool ah u qaaday xaqiijinta himaladayda dhow ee ah in aan noqdo dhakhtar naftiisa iyo bulshadiisaba anfaca islamarkaan ku qalabaysan xirfadaha lagama maarmaanka u ah bad
baadinta nafta aadamaha. sanadkii ii dhamaaday waxa uu ahaa Ibo fur xifadeed iyo indho fur nololeed. Waxa aan la kulmay inka badan 200 oo bukaan oo xanuuno iyo xaalado kale duwan hospitalka loo soo dhigay. Farxad badanaa marka aad sii maca salaamayso bukaan isaga oo aan miyirkiisu joogin goobtan la soo dhigay oo sii baxaya isaga oo faraxsan oo qoslaya. Murugo badanaq bukaano aad si fiican isku dhex gasheen oo aad ka war heshay hoyashadooda. sideedaba Nolosha ayaan ahayn xariiiq siman.


Dhanka kale Sanadkani dhamaaday waxa aad u yara wakhtiga aan ku qaato baraha bulshada, sidaa daraad waxaan u darsadey asxaab badan oo aan bartan kaftan wadaag ku ahayn. Sidoo kale waxa aad iigu yaraa akhrinta buugaagta aan caafimaadka ( academic) ahayn, waxaan rajaynaya inaan wax ka badalo sanadkan cusub ee 2020.

Buugaagta ugu mudan ee aan ku bilaaban karo 2020 hoosta iigu reeba saaxiibaaal.

Comments